Navigation


Telefonada Kafaalo: Norway (+47) 21 64 68 15 ama 21 64 68 16 - Sweden (+46) 850 383 272 - Denmark: (+45) 46 99 098 4

Gabdhaha Dhalinyarada Oslo oo dhisay Masjid Waqaf ah

27/05/2009, , 2,

Masjidkaan ayaa waxaa dhisay gabdhaha dhalinyarada ee dagen magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway, gabdhahaas oo khayr jecel kuna dadaala in ay wax taran walaalahooda muslimiinta ee ku dhibaataysan dalkeeni hooyo, laakin waxaa iswaydiin mudan maxay gabadhahaas kaga duwanyihin gabdhaha ee da’aadooda ah?

Sii akhri...

Mashruuca Indhaha oo kafulay Balad-Xaawo

22/02/2009, , 2,

Mashruuca Indha-jeexidda oo kamida mashaaricda ugu waa wayn ee ay Hay’adda Kafaalo fuliso, ayuu Rabbi u sahlay Kafaalo inay kafuliso sanadkaan 1430/2009 ugu horayntiisi gobolka Gedo magaalada Balad Xaawo, halkaan oo loogu indho fiiqay 1000 ruux oo aan horay wax u arki karin gebi ahaan ama aragoodu daciif ahaa.

Sii akhri...

Zakatul-Fitrigii sanadkaan 1429/2008 - Sawiro

07/10/2008, , 2,

Halkaan waxan kusoo gudbinaynaa warbixintii Zakatul-fitrigii sanadka 1429/2008.

Rabbi mahadii Zakatul-fitrigii sanadkaan waxay gaadhay dadkii loogu tala galay iyo wakhtigii loogu tala galay. Taasoo aan Rabbi kawada baryayno inuu dhamaanteen naga aqbalo, nooguna dhamaystiro dal-dalooladii nagaga jira soonkeeni, noona noqoto daahir noqosho, aamin.

Sii akhri...

Gabdhaha Amersfoort & Soest oo gacan ka gaystay

28/07/2008, , 2,

Gabdhaha Soomaliyeed ee kunool magaalooyinka Amersfoort iyo Soest ee wadanka Holland ayaa gacan lixaad leh ka gaystay, abaaraha iyo barakaca kajira Soomaliya. Gabdhahaas muslimiinta ah oo wadashaqayn la sameeyay Hay’adda Kafaalo oo arimahaan khibrad dheer uleh. Waxaana kaalmadaas la gaarsiiyay markaan gobolada Shabeelada Hoose.

Sii akhri...

GEERIDA CABDIKARIM WAA FURIN BANAANAATAY

04/07/2008, , 2,

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan aad uga murugooney dilkii naxdinta lahaa ee loo geystey Allaha u naxariistee Sh Cabdikarim Sh. Ibrahim, Guddoomiyihii Guddiga Taakulaynta Agoonta Soomaaliyeed, Muqdisho, Galabtii Arbacada. Ilaahay waxaan uga baryeynaa Cabdikariim inuu dembigiisa dhaafo, jannadiina ka waraabiyo. Waxaan Tacsi u direynaa eheladii, xaasaskii iyo ubadkii uu ka tegey, Cabdikarim, waxaanan leenahay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, Isagana janaatul firdows Allaha geeyo.

Sii akhri...

Maxaa laga yiri Kafaalo?



Khayrfale noqo

Khayrfale noqo Halkaan iska
diiwan geli oo Khayrfale noqo!


Koontooyinka Kafaalo


Nala soo xiriir

Magac

Email

Warbixin