English version

Kafaalo seminar 2008 - Ahmiyadda Hawlaha Samafalka

Maalintii jimcaha ahayd 28/11/2008 waxay Hay'adda Kafaalo kuqabatay magaalada Oslo goobta Oslo Kongressenter aqoon kororsi (seminar) loogu magac daray muhiimadda ay leedahay kashaqaynta hawlaha samafalka ee Soomaaliya.

Ujeedada seminarkaan waxay ahayd iftiiminta xaalada guud ee ay Soomaaliya ku sugan tahay iyo waliba gaar ahaan bulshada rayidka ee Soomaaliyeed dhibta ka haysata xagga qaxa, caafimadka, waxbarashada, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee dagaaladu sababeen oo aan lasoo koobi karin. Sidoo kale waxaa meesha kujiray in la wacyi geliyo bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan wadanka Norway.

Seminarka ayaa ahaa mid ubaxay qaab cilmiyaysan oo ay khudbado kasoo kala jeediyeen aqoonyahanno Norwiiji iyo Soomaali ah. Kuwaas oo ay kamid ahaayeen:

  • Stig Jarle Hansen oo ah cilmi baare arimaha Bariga Afrika oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay kashaqaynta hawlaha samafalka ee Soomaaliya iyo Siyaasadda Norway ee dhanka samafalka.
  • Adam Comps Masuulka u qaabilsan Norwegian Refugee Council arimaha Soomaaliya iyo Kenya oo kahadlay hay'adaas iyo waqabadkeeda ku wajahan Soomaaliya iyo ahmiyadda qurbo joogta kaga aadan dib udhiska dalkooda.
  • Dr. Cali Maxamad Saalax oo ku takhsasusay diimaha ahna Imaamka Markazka wayn ee Soomaalida - Tawfiiq Islamic Center, ayaa isagana ka hadlay ahmiyadda waxbarashada iyo caafimaadka u leeyihiin haweenka iyo caruurta.
  • Sh. Musatafe X. Ismacil Haaruun oo ah taarikhyahan Islaami ah oo ka hadlay dawrka samafalku kaga jiro taariikhda Islaamka.
  • Axmed Cabdi Maxamed oo ah Gudoomiye kuxigeenka Hay'adda Kafaalo oo kahadlay waxqabadka Hay'adda Kafaalo.
  • Mukhtar Qoransay oo ah Gudoomiyaha Hay'adda Kafaalo ayaa soo gunaanaday seminarkii, halkaasna ugu mahad celiyay dadweynaha.

Marti sharafta kasoo qayb gashay seminarka waxaa kamid ahaa aqoonyahano Soomaliyeed, ururada samafalka ee Soomalyeed kuwooda ugu caansan wadanka Norway, ardayda jaamacadaha Oslo iyo nawaaxigeeda, siyaasiyiin Soomaliyeed, waxgarad iyo odayaal Soomaliyeed iyo ururada dumarka Soomaliyeed ee Norway.

Ururadaasna waxaa kamid ahaa:

  • Tawfiiq Islamisk Senter (TIS).
  • Somalisk kvinneforening (SK).
  • Foreningen for somalisk kvinner og barn (F. KSB).
  • Somaliland Women (SW).
  • Dialog Forening (DF).
  • Somalisk Student Forening (SSF).
  • Morokansk Student Forening (MSF).
  • Norsom.
  • Oslo bystyre.
  • Den Somalisk samarbeid senter (DSSS).
Maamulka Hay'adda Kafaalo ayaa ku rajo wayn inuu seminarkaasi ahaa mid gutay ujeedooyinkiisi oo ay martidii kasoo qayb gashay kala tageen cilmi iyo aqoon badan. Isla mar ahaantaana u noqday tusaale iyo wacyi gelin Somalida Norway, gaar ahaan ururada kale ee ku hawlan kashaqaynta hawlaha samafalka Soomaalida halkaan ama waddankeeni hooyo.

Waxaana rajaynaynaa mustaqbalka in mustaqbalka laga hirgelin doono seminaro noocaan ah oo kale dhanka Hay'adda Kafaalo ama dhinacyada ururada kale ee Soomaaliyeed.

Maamulka Kafaalo - 29.11.2008